Ururiye

Qaanuunka Asturnaanta

Boggan wuxuu sharxayaa xogta Ururiye ururiso, sida loo isticmaalo, iyo sida ganacsadaha ula xiriiri karo taageerada.

Xogta aan ururinno

Ururiye waxay kaydin kartaa magaca ganacsiga, lambarka telefoonka, magaca isticmaalaha, xirmada ganacsiga, xogta badeecada, iibka, kharashaadka, deynta, shaqaalaha iyo xog kale oo ganacsigu geliyo app-ka.

Waxaan sidoo kale isticmaali karnaa xog farsamo oo kooban si app-ku u shaqeeyo, sida aqoonsiga account-ka, wakhtiyada sync-ga iyo xogta qaladka haddii adeeggu u baahdo hagaajin.

Sida xogta loo isticmaalo

Xogta waxaa loo isticmaalaa in lagu shaqaysiiyo app-ka, lagu ilaaliyo akoonka, lagu siiyo taageero, lagu xisaabiyo xaddidaadaha xirmada, laguna hagaajiyo adeegga Ururiye.

Qiimaha, tijaabada iyo kordhinta xirmada waxaa maamula kooxda Ururiye ama wakiilka iibka marka ganacsaduhu codsado.

Wadaagista xogta

Ma iibinno xogta ganacsatada. Xogta waxaa lala wadaagi karaa adeegyada muhiimka ah ee app-ku ku shaqeeyo, sida hosting, database, authentication iyo taageero farsamo, marka ay lagama maarmaan tahay.

Kaydinta iyo ilaalinta

Waxaan isticmaalnaa adeegyo ammaan ah si xogta loo kaydiyo loona ilaaliyo. Ganacsaduhu waa inuu ilaaliyaa PIN-kiisa, qalabkiisa iyo cidda uu shaqaale ahaan ugu daro ganacsigiisa.

Codsiyada iyo tirtirista xogta

Haddii aad rabto in xog laga saxo, la helo ama account la tirtiro, nagala soo xiriir email-kan: support@ururiye.com.

Cusboonaysiin

Policy-kan waa la cusboonaysiin karaa marka adeegga Ururiye isbeddelo. Nooca ugu dambeeya wuxuu ku jiri doonaa boggan.